Dowladda Sacuudiga ayaa haatan bilaawday in xayiraada ay saareyso dowladda Qatar ay dhinac walba ka fiiriso iyadoo ay haatan gaartray meeshii ugu darneed.
Sacuudiga ayaa amray in gudaha dalkeeda aan lagu qaadan karin Maaliyada ay ku qoran tahay Magaca Qatar Airways oo ay ku ciyaaraan Ciyaartoyda Barcelona.
Inaad ku xirato maaliyada Barcelona magaalooyinka Sacudi Carabiya waxaa lagugu ganaaxayaa lacag gaareysa £120,000 iyo weliba xarig 15 sano ah sida ay qortay DailyMail.
Arintaan ayaa dadka qaarkood waxa ay ku noqotay layaab,waxayna tani keeneysaa in ay sii kala fogaadaan xiriirka dowladda Qatar iyo Sacuudiga.