In ka badan 45 kun oo qof oo ku dhimatay dhul-giriirkii dalalka Turkiga iyo Syria

In ka badan 45,000 oo qof ayaa ku dhintay wadar ahaan dhul-giriiskii ka dhacay dalalka Turkiga iyo Syria, inkastoo  aysan weli waxba Iska bedelin maalmahan tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii dalka Syria oo la soo weriyey inay Tirada ka badan tahay 5,800 oo qof.

Dalka Turkiga ayaa weli baadi-goobka dadka weli ku hoos xaniban Dhismayaasha ayaa socota, weli dad badan ayaa lagu la’ yahay dalkaasi.

264,000 oo Dhismo Qeybeed (apartments) ayaa waxay ku burbureen Dhul-gariirkii bishan 6-dii ka dhacay dalkaasi, kaasi oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi.

Shalay oo Jimco ahayd,  Masaajid Caalamka oo dhan ayaa waxaa laga oogay Salaatul Janaasa calaa  Qaa’ibiin ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga iyo Syria.

Dhanka kale, inta badan Kooxihii Gurmadka ee ka socday dalalka Caalamka waxay bilaabeen inay u dhoofaan dalalkooda, balse, Samafalayaasha iyo Mutadawaciinta ayaa waxay weli wadaan hawlaha Baadi-goobka iyo Samata-bixinta ee dadka ku hoos xaniban burburka Dhismayaasha uu Dhul-gariirku saameeyey.

Ururada Samafalka waxay sheegeen inay dadkii ka badbaaday Dhul-gariirka u baahan yihiin in la caawiyo bilooyin, iyadoo ay aad u burbureen Kaabayaasha Asaasiga.

Dowladda Türkiye waxay ballan qaaday Baaritaanka dadka lagu tuhunsan yahay mas’uuliyada Dhismayaasha ku burburay Dhul-gariirka, waxaana horey loo amray in la soo xiro in ka badan 100 Eedeysanayaal oo ay ku jiraan Qandaraaslayaasha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor