Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inuu  xalay dumay  Biyo-xireen ku yaalla Dooxadda Rift Valley ee dalkaasi.
Biyaha ayaa la sheegay inay  burburay Jiinka Biyo-xireenka PATAL DAM burburay oo ku yaalla Deegaanka SOLAAY ee Gobalka Nakuru
Boqolaal guri ayuu daadku la tegay, iyadoo Kumanaan qofna ka barakaceen Guryahooda.
Taliyaha Boliska Deegaanka Rongaay, Josef Kitoko  ayaa sheegay inay heleen 27-mayd, iyadoo weli dad badan la la’ yahay.
Shaqaalaha Bisha Cas iyo Kooxda Ka-hortagga Masiibooyinka ee NABKURU waxay saakayto bilaabeen Hawlgal Gurmad, ilaa 40 qof ayaa laga soo saaray Dhiiqada iyo dhul-go’a, kuwaasi o ola dhigay Isbitaalladda.
Dad badan ayaa laga cabsi qabaa inay go’doon noqdaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Fred Matiangi ayaa la filayaa inu umaanta booqdo khasaaraha ka dhashay Biyo-xireenka soo fatahay