Imtixaanka shahaadiga ah ee Maamulka Puntland oo Maanta bilowday

Maanta oo sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bisha May ayaa waxaa si rasmi ah deegaanada dowlad Goboleedka Puntland uga bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Imtixaanaadka ayaa waxaa sanadkaan 2020-2021 u fariisatay 17,735 kun oo Arday oo 5,708 kamid ah ay yihiin Aradya fasalka 12aad ee Dugsiga Sare, halka 12 kun yihiin Ardada fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, kuwaasi oo ku kala galaya deegaanada Maamulka.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in sanadkaan koror badan uu ka jiro ardayda u fadhiisaneysa Imtixaanaadka Shahaadiga marka loo eego sanadkii hore, waxaana galaya 17,735 kun oo Arday .

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in Imtixaanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday goobihii loogu talagay dhammaan Gobolada iyo degmooyinka Puntland, isla markaana ilaa iyo hadda la soo werin wax caqabad ah.

Ardayda waxkabarata deegaanada Maamulka Puntland ayaa sanad kasta Imtixaanaadka Shahaadiga gooni u gala, waxaana ka qaada Maamulkaas, halka Ardayda kale ee dowlad Goboleedyada ay galaan Imtixaanka shahaadiga oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor