HomeWararImaaraadka oo sheegtay inay Dowladda Qatar taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda

Imaaraadka oo sheegtay inay Dowladda Qatar taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Qoraal uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash maanta soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbixintii Codka lahaa ee uu Wargeyska The New York Times ku soo bandhigay Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalkaasi kaga hadleen Qarixii bishii May 11-dii ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qoraal uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Garqaash maanta soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku tixraacay Warbixintii Codka lahaa ee uu Wargeyska The New York Times ku soo bandhigay Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalkaasi kaga hadleen Qarixii bishii May 11-dii ee sannadkan ka dhacay magaalladda Bosaaso.

Garqaash  waxa uu Twitter-kiisa ku sii qoray in Qalaalasaha ay Dowladda Qatar ku hayso deriskeeda muujinayo xiriirka ay la leeyihiin Xag-jirka iyo Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu sii raaciyey inaysan Qatar beenin Karin qoraalkaasi oo aan u baahnayn Baaritaano, isla markaana aan la soo dhaweyn Karin Eedeynta ku aadan Argagixisadda ka dhanka ah dalkiisa Imaaraadka iyo inay arrintaasi xaqiijinayso ficilka runta ee Afarta Waddan.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash inkastoo uusan qeexin dalalka afarta ee uu sheegay, haddana waxa uu ugala jeeday dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Msaar oo iyagu horey ugu eedeeyey dalka Qatar inay taageerto kooxaha Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar beenisay Eedeymahaasi.

Afartaasi Waddan waxay dalka Qatar ku soo rogeen cunaqabatayn siyaasadeed bilowgii bishii June ee sannadkii 2017-kii, iyadoo aan ilaa iyo haatan wli loo helin Xal Diplomaasiyadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts