Iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta Loolan Siyaasadeed kula jirto Dowladda Turkiga oo galangal badan ku leh Somalia ayaa waxay doonayaan Madaxda imaaraadka inay Maamulka Somaliland ka helaan Fasax Rasmi ah si ay Saldhig Milliteri uga dhigtaan magaalladda Dekedda leh ee Berbera oo ay Shirkad Imaaraati ah Maamulka Dekeddaasi loogu wareejiyey si ay u maamulaan muddo 30-sanno ah.
Shirkadda Dekedda ee Dubai Port (DP World) waxau sannadkii hore Maamulayaasha Somaliland la saxiixdeen Heshiis, kadib, markii Qndaraaskii Shirkadda DP ku maamulaysay Dekedda Jabuuti laga joojiyey sababo la xiriira musuq ay ku kacday Shirkadaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa shalay Saxaafadda ugu sheegay magaalladda Hargeysa inay Dowladda Imaaraadka ka heleen Codsi Rasmi oo ay ku doonayaan inay Saldhig Milliteri ka furtaan Somaliland.
Tallaabadda ay Somaliland ku siinayaan Imaaraadka Saldhig Milliteri ayaa waxa Cabasho ka muujiyey Dowladda Ethiopia oo ah Isbahaysiga ugu weyn Somaliland iyo dalka keliya ee Safaarad ka furtay magaalladda Hargeysa.
Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweynaha iyo Barlamaanka Somaliland go’aan ka gaari doonaan sidii Imaaraadka loogu oggolaan lahaa inay Saldhig Milliteri ka furato Somaliland oo iyagu sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, inkastoo aysan weli helin Ictiraaf Caalami ah.
©Radio Dalsan