Imaaraadka oo Gaadiid farabadan oo nooca Dagaalka ah ku wareejiyay Jubbaland + Sawirro

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ah ku wareejisay dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, gaadiidkaas ayaana laga dejiyay dekadda magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan kuwaas oo sida la tilmaamay ka qeyb qaadan doona dagaalka ka socda deegaanada maamulkaasi.

”Dowlada Jubaland ayaa  Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Imaaraadka ayaana gaadiidkan ku wareejiyay mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor