Ilhaan Cumar oo raalli-gelin ka bixisay hadalo ay ku weerartay…

Ilhaan Cumar oo ah Somali-Maraykan ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa sheegtay inay raalli-gelin ka bixinayso Erayo ka dhan ahaa Israel, kadib, markii ay Afhayeenadda Kongareeska Maraykanka, Nansi Bolosi cambaaraysay hadalka Ilhaan.

Haweeneyda ka tirsan Kongareeska Maraykanka ee Ilhaan Cumar waxay raalli gelin ka bixisay qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay oo ay ku naqdisay Kooxda u ololeysa Danaha Israel.

Waxay sheegtay in sababta ay raalli-gelinta u bixisay tahay si ay mar kale u xaqiijiso doorka dhibaatadda ay Kooxda u ololeysa danaha Israel ku hayaan Siyaasadda Maraykanka

Dhinaca kale, Afhayeenadda Kongareeska Maraykanka, Nansi Polosi waxay sheegtay inay Ilhaan cumar la hadashay, kuna heeshiiyeen inay bixiso raalli-gelinta, iyo in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo nacayb qaab kasta ha ku yimaado.

Sponsered

Comments
Loading...