Ilhaan Cumar oo dacwad ka gudbisay Askari fal xun kula kacay Dad Muslimiin ah

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka wakiillada Dalka Marayka oo ay ka mid tahay Ilhan Cumar ayaa dacwad ka gudbiyay ciidamada ka hortagga qaxootiga iyo kuwa canshuuraha, kadib markii ay Dad Muslimiin ah oo xabsi ku jira ay ku qasbeen in ay cunaan Hilib Doofaar iyo raashiin qurmay.

Dacwadda oo ay Xildhibaannadu u gudbiyeen Waaxda amniga gudaha Dalka Maraykanka ayay kaga codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay Muslimiinta maxaabiista ah ee ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Miami.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen Xildhibaanada kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani ahayn wax aan la aqbali karin.

Maxaabiis Muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee Magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan Hilib Doofaar iyo Raashin qurmay, sida ay sheegeen Xildhibaannadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media