HomeWararIlaalo British oo Burcad-baddeeda ka waabin jirtey Maraakiibta isticmaala Badda Somalia...

Ilaalo British oo Burcad-baddeeda ka waabin jirtey Maraakiibta isticmaala Badda Somalia oo la xukumay.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxdaasi oo horey uga tirsanaan jirtey Ciiddanka Joogtadda ee dalka Britain ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Tuticorin ee Gobalka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, iyagoo lagu soo oogay inay Hub sharci la’aan ah la soo galeen Badda Hindiya bishii October ee sannadkii 2013-kii. Kooxdaasi Britishka ee ugaarsan jirtey Burcad-baddeeda ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxdaasi oo horey uga tirsanaan jirtey Ciiddanka Joogtadda ee dalka Britain ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Tuticorin ee Gobalka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, iyagoo lagu soo oogay inay Hub sharci la’aan ah la soo galeen Badda Hindiya bishii October ee sannadkii 2013-kii.

Kooxdaasi Britishka ee ugaarsan jirtey Burcad-baddeeda ayaa waxay qaab Calooshii-u-shaqeyste ugu hawlgal jireen Shirkad Maraykan oo lagu magacaabo Advan Fort oo Maraakiibta ka ilaalin jirtey Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

- Advertisement -

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Hindiya ayaa qabtay Kooxdaasi, xilli ay hub sharci-darro ah ku haysteen Markab nooca Ilaaladda oo lagu magacaabo MV Seaman Guard Ohio.

Maxkamadda waxy Lixda nin ee u dhalatay dalka Britain, 3 u dhalatay dalka Yukrayn iyo 12 Hindi ah ku xukuntay min 5 sanno iyo ganaax lacageed dhan 45 Dollar qofkiiba.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Britain ayaa sheegay inay Safaradooda Hindiya ay si dhow ula socdaan xalladda Eedeysanayaasha, isla markaana ay taageero  siiyeen iyaga iyo xaasaskooda.

- Advertisement -

“Wasiiradda waxay walaaca Kiiskaasi gaarsiiyeen Heerkii ugu sarreeyey, oo ay ku cadaadinayeen in Xukunka dib loo eego, si loo xaliyo Kiiska” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inay haystaan 90 maalmood oo ay Rafcaan kaga qaadan karaan Xukunkaasi.

Afhayeenka waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan faragelin karin Nidaamka Garsoorka ee dal kale.

MV Seaman Guard Ohio1

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts