Ilaalada safaaradda Ruushka ee dalka Zimbabwe oo si bareer ah u toogtay Nin Xirnaa dhar Ciidan

Ilaalada safaaradda Ruushka ee dalka Zimbabwe, ayaa toogasho ku dhaawacay nin ku labisnaa dharka ciidamada meel ka baxsan safaaradda magaalada caasimadda ah ee Harare, habeenimadii Arbacada, sida ay booliisku sheegeen.

Afhayeenka booliiska ee Zimbabwe, Paul Nyathi, ayaa BBC-da u sheegay in ninkan oo 24 jir ah uu ka horyimid qaadashada awaamiirta ilaalada safaaradda.

Waxaa loo qaaday isbitaal u dhaw safaaradda oo uu ku xiran yahay haatan, iyadoo booliisku ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay dhacdadan.

U qeybsanaha dhanka saxaafadda ee safaaradda Ruushka, Egor Kuropitnik, ayaa BBC-da u sheegay in muuqaalada ku jira kamiradaha safaaradda, ay muujinayaan in ninkani uu ilaalada si toos ah u abaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor