• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Iiraan oo lagu soo rogayo cunaqabatayn adag, xilli ay Diyaaraddo ka iibisay Ruushka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 20, 2022
in Caalamka, Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Iiraan oo lagu soo rogayo cunaqabatayn adag, xilli ay Diyaaraddo ka iibisay Ruushka
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Midawga Yurub ayaa sheegay inay soo ururiyeen caddaymo muujinaya in Iran ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u dirtay dalka Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka uu ka wado dalka Ukraine, waxayna sheegeen inay diyaariyeen liisk cunaqabatayno ah oo ay kaga aargoosanayaan arrintaas.

Hannaanka difaaca cirka ee wadamada reer galbeedku ay ku xoojiyeen dalka Ukraine ayaa caqabad ku noqday in diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay ka hawlgalaan hawada dalka Ukriane, taas bedelkeeda waxaa ciidamada Ruushku ay isticmaalayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo qiime ahaan aad u jaban, si ay u burburiyaan bartilmaameedyadooda, iyagoo cabsi ku abuuraya shacabka iyo ciidamada.

Waxaa la rumaysan yahay in Ruushku uu raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ee lagu sameeyey dalka Iran, inuu ku weeraray dalka Ukraine, isaga oo bartilmaameedsanaya wershedaha laydhka, iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Nabila Massrali oo u hadashay ururka Midawga Yurub ayaa sheegtay Arbacadii, “inuu jiro heshiis siyaasadeed oo si weyn loo wadaagay, oo tilmaamaya in Midawga Yurub uu si dhakhso ah uga falceliyo arrintan, annaga oo soo ururinay caddaymihii aan u baahnayn. Shaqadu waxay ka dhex socotaa golaha (xubnaha ururka Midawga Yurub) oo ah in la bixiyo jawaab cad oo degdeg ah oo adag” ayay tidhi.

Sarkaal ka tirsan Midawga Yurub iyo laba diblomaasi oo kale ayaa sheegay in illaa maalinta khamiista in la soo gebagebeyn doono cunaqabataynada la saarayo Iran, xilligaas oo madaxda Midawga Yurub ay ku kulmayaan Brussels.

Tallaabooyinka la qaadayo ayay ku jiraan, in la xannibo hantida hay’ad dawladeed, shirkad ama ururo kale iyo in xannibaad dhinaca safarka ah iyo hantidooda oo la xayiro in la isugu daro qaar ka mida masuuliyiinta ku lug leh hawlaha iibka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Previous Post

Tasliska Booliska oo ka hadlay Shacab Muqdisho ku qabtay Rag dil u geystay Askari

Next Post

Dhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post
Dhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Dhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00