Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ilaa la joojiyo weerarrada lagu hayo, iyadoo hadalkan uu imaanayo saacado kaddib markii wasiirka difaaca ee Israa’iil uu ka digay khilaaf daba dheeraada oo sii kala fogeynaya labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa magaalada Geneva kulan kula yeeshay diblomaasiyiin reer Yurub ah kuwaas oo ku booriyay in uu dib u furo wadahadallada Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, Araghchi ayaa si cad u sheegay in Tehran aysan diyaar u ahayn wax wadahadal ah iyadoo ay socdaan weerarro toos ah oo lagu hayo dalkaasi.
Dhanka kale, Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Eyal Zamir, ayaa khudbad muuqaal ah oo uu jeediyay ku sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay olole militari oo muddo dheer socon kara, isagoo ka digay “maalmo adag” oo soo socda.
Ciidamada Israa’iil ayaa shaaciyay mowjado cusub oo weerarro ah oo lala beegsanayo kaydka gantaalada Iiraan iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, taasoo ka dhalatay weerarro gantaallo ah oo Iiraan ku garaacday bartamaha Israa’iil.
Goobaha u dhow magaalada Tel Aviv ayaa laga maqlay qaraxyo xoogan, iyadoo wararka ay sheegayaan in dhisme ku yaalla bartamaha Israa’iil uu dab qabsaday kaddib firir gantaal ah oo kusoo dhacay.