Human Rights Watch oo ugu baaqday Dowladda Federalka La-xisaabtanka Ciiddanka Ammaanka.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo Xarunteeda dhexe ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa soo saartay Warbixin ka kooban 10-qoddob oo ku aadan Muhiimadda Xuquuqda Aadanaha.

Hay’adda ayaa sheegtay in Dowladda cusub looga baahan yahay inay Ciiddanka Ammaanka la xisaabtamaan iyo in la xaqiijiyo Ammaanka inta badan dadka nugul ee rayidka ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Shirka London ee looga hadlayo Dib-u-habaynta Ammaanka Somalia uu ahmiyad muhiim u leeyahay Hoggaamiyayaasha Somalia iyo dalalka Beesha Caalamka ee saaxiibka la ah Somalia, si ay uga hadlaan Tacadiyadii hore u dhacay iyo in la xaqiijiyo jawaabta mustaqbalka ee dhibaatooyinka badan ee ka dhashay Dagaalladda, Macluusha iyo cilladaha Siyaasadeed.

Warbixinta HRW ayaa  lagu sheegay in Dowladda Federalka  ee ay Beesha Caalamka taageerto looga baahan yahay inay qaadaan Tallaabooyin Ciiddanka Ammaanka looga saarayo kuwa Tacadiyadda u geysta dadka Rayidka, lana joojiyo tacadiga ka dhanka ah in ka badan 1.1 million ee dadka ku barakacay gudaha omalia.

Waxaa kaloo lagu baaqy in Carruurta laga saaro Ciiddanka Dowladda, in Garsoor Madax-bannaan lala wajaho kooxaha kufsiga geysta iyo in la xaqiijiyo Xorriyadda Warbaahinta Somalia.

Hoggaamiyayaasha cusub e eSiyaasadda Somalia waxaa so owajahayso dhibaatooyin khatar ah, loona baahan yahay inay ka hadlaan” sidaa waxaa tiri Laetitia Bader oo ah Cilmi-baaraha HRW ee Qaaradda Afrika.

Waxay intaasi ku dartay in Xukuumadda Federalka qaado Tallaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo dhamaan dadka Rayidka ee khatarta ugu jira colaado dheeraad ah iyo in la qabto kuwa geysta Tacadiyadda lana maxkamadeeyo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media