HomeWararHowlwadeenno Tababar aas-aasi ah loogu soo xiray Muqdisho

Howlwadeenno Tababar aas-aasi ah loogu soo xiray Muqdisho

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed. Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed.

Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Machadka Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatahu) oo carabaabay rajadiisa in Machadku u qabto tababbaro kala duwan dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed si loo horumariyo shaqada, looguna diyaariyo aqoon ahaan si ay u hagaagto howl-gudashadooda iyo ka soo dhalaalidda waajibaadka iyo mas’uuliyadaha loo igmaday si looga dhabeeyo ujeedka la hiigsanayo.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka hadlayay xafladda ayaa caddeeyay in Machadku u diyaar yahay tababbaridda iyo bixinta koorsooyin ku habboon oo lagu daboolayo baahiyaha waxbarasho ee diblomaasiyadda Soomaaliya si kor loogu qaado heerka adeegga.

Xafladda xiritaanka tababbarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts