Howlgalo saakay ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Ciiddamada amaanka ee maamulka Puntland ayaa saakay howlgalo baaritaana ah kawada dhinaca waqooyi ee magaalada Galkacyo kadib markii xalay magaalaasi lagu weeraray gudoomiyaha maxkamada darajada 1-aad ee gobolka mudug ee Puntland Cabdiraxmaan Kilwe oo uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi.

Xaafadaha dhinaca waqooyi ee Galkacyo waxaa kasocda baaritaano ay wadaan ciiddamada amaanka Puntland oo saakay howlgal ka bilaabay magaaladaasi.

Saraakiisha ciiddamada Puntland waxaa ay sheegeen in lagu xaqiijinayo howlgalkaas amaanka kadib weerarkii xalay ka dhacay magaaladaasi waxaana ay tilmaameen in saacadaha soo aadan ay bixin doonaan faah faahinta baaritaankaasi oo hada ka socda waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media