Ciidamada huwanta ee ka kooban kuwa deegaanka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Daraawiishta Galmudug ayaa ka fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Qeycad ee koonfurta Gobolka Mudug, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan aagga.
Weerarkan, oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, ayaa lagu qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd degaankaasi.
Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen saldhiggii Al-Shabaab ee la weeraray, warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in khasaaro ballaaran la gaarsiiyay dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca lagu sheegeyso inay badan tahay.
Howlgalkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ciidamadu ku doonayaan inay Al-Shabaab uga saaraan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan ee Mudug, iyagoo kaashanaya ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda. Xaaladda goobta lagu dagaallamay ayaa weli adag, waxaana la filayaa in howlgallo dheeraad ah oo amniga lagu sugayo ay halkaas ka sii socdaan maalmaha soo socda.