Ciidamada geesiyaasha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo ballaaran oo isugu jiray sifeyn iyo burburin ka sameeyay deegaanada ku teedsan wadada isku xirta Bali-doogle iyo Afgooye, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa si gaar ah u beegsaday deegaanno muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo ciidamada xooga saarayaan in ay meesha ka saaraan khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.
Taliyaha Guutada 7-aad, G/dhexe Axmed Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Axmed Gaashaan”, ayaa hoggaaminayay hawlgalka, waxaana ku wehliyay Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo saraakiil kale oo sare.
Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah: Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon Dheere, God Doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile, iyo meelo kale oo muhiim u ah in la xoreeyo si loo xaqiijiyo nabadda Shabeellaha Hoose.
Inkastoo aysan saraakiisha Ciidanka wali si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dagaallada, haddana wararku waxay sheegayaan in howlgalka uu sababay iska hor imaadyo kooban. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay si guul leh uga saareen deegaanno dhowr ah, iyagoo sii wada hawlgalladaas si loo xaqiijiyo in Al-Shabaab gebi ahaanba laga saaro gobolladaas muhiimka ah.
Saraakiisha ayaa ku adkeystay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay howlgalka sii wadaan ilaa laga saaro AS deeganadaasi, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka oo si dhow ula shaqeynaya ciidamada.