Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan yeeshay ayaa waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageeradda Somalia (The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).
15-ka Xubnood ee Golahaasi ayaa waxay isku raaceen in Hawlgalka UNSOMmuddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.
Dhinaca kale, Qaraarka ayaa waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Somalia.