Howlgalka Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia oo la shaaciyey xiliga la soo af-jari doono

Madaxweyne Donald Trump waxa uu isbuucii hore qalinka ku duugay Amar Fulin oo muddo hal sanno lagu kordhiyey Xaalladda Degdegga Qaranka Maraykanka ee Somalia, iyadoo Alshabaab loo arko khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah Ammaanka Maraykanka.

Saraakiisha Difaaca Maraykanka ayaa sheergay in xitaa Bayaanka xilli-kordhinta Khatarta Somalia, haddana Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ka wadaan gudaha Somalia waxay qaadan kartaa sannooyin si loo dhamaystiro.

Ciiddanka Khaaska ee Hawlgalladda Maraykanka waxay tababar siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si ay awood ugu yeeshaan La-dagaalanak Alshabaab ee dhinaca dhulka.

Inkastoo ay Saraakiisha sheegeenm in horumar laga sameeyey dadaalkaasi, haddana waxay Saraakiishu u sheegeen Tleefishinka CNN-ka in Hawlgalka Tababarka Maraykanka ee Somalia u muuqato inaan la soo dhamaystiri karin ilaa 2026-ka.

Ku-dhawaad 2 sanno, koox yar oo ka socota Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee Hawlgalladda waxay gacan ka geysteen dagaalka ay Ciiddanka Qaranka Somalia kula jiraan Al-shabaab, iyagoo taageero La-talin iyo Duqeyn dhanka Cirkaiyo Dagaalka Dhulka.

Ciiddanka Khaaska Maraykanka waxay kaloo tababar iyo dhismo siiyeen Ciiddanka dhulka ee Somalia oo lagu magacaabo DANAB, kana koobnan ilaa 500 Askari.

Saraakiisha Difaaca Maraykanka waxay sheegeen in Ciiddanka Khaaska ee DANAB oo ka kooban 3,000 Askari, kuwaasi oo awood u leh inay Alshabaab ka nadiifiyaan Tuullooyinka iyo Degmooyinka ee guud ahaan Somalia.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee “The Pentagon waxay sheegeen inay 500 ilaa 60 0Askari ka joogaan Somalia, kuwaasi oo DFS iyo Hawlgalka AMISOM ka taageera dhinacyadda Loojistikada, Sirdoonka iyo duqeymaha lala beegsado deegaanadda ay Alshabaab k uxooggan yihiin.

La-taliyayaasha Milliteriga Maraykanka waxay Somalia joogeen tan iyo ugu yaraan sannadkii 2013-kii, iyagoo sannadkii 20117-kii qaatay Hawlgalka La-talinta ee Hawlgalladda Ciiddanka Khaaska ee DANAB.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxaa markii ugu horreysay dib loo furay sannadkii 2017-kii, kadib, markii ay xirnayd tan iyo sanadkii 19911-kii.

Qoraal uu Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Becky Farmer u direy Telefishinka CNN-ka waxa uu ku sheegay in qorshaha yahay in 2 Kambani lagu dhiso muddo hal sanno ah, oo ay wehliso  in la soo dhamaystiro dhismaha 5 Guuto iyo Xarumahooda dhexe

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka ayaa u muuqata inay culayska saarayso  wax-ka-qabashadda Ammaanka Somalia, kadib, markii 18 Askar Maraykanka lagu dilay dagaal ka dhacay magaalladda Muqdishobishi October 3-dii ee sannadkii 1993-dii, iyadoo dagaalkaasi lagu soo riday Diyaarado Helikopter ee nooca Black Hawk”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media