Howlgalka AMISOM oo yeeshay Taliye Cusub

Taliyaha cusub ee Hawlgalka AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay Xilka Taliyaha Howlgalka AMISOM, waxaana Taliyaha lagu magacaabaa Jeneral Diomede Nadegeya, isagoo xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Jeneral Tigabu Yilma.

Taliyaha Cusb ee lasoo magacabay ayaa waxaa uu u dhshay Dalka Brundi,isagoo Xilka kala wareegay Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Ethiopia.

Jeneral Diomede Nadegeya ayaa waxaa la sheegay in uu leeyahay khibrad sare oo xagga Ciidanka, waxana la sheegay in uu Ciidanka Millateriga Brundi ka tirsanaa wax ka badan 38 sano.

Munaasabad ballaaran oo xilka uu kula wareegayay Taliyaha Cusub ayaa ka dhacday xarunta Holwgalka Amisom, iyadoo Xfladda uu kasoo qayb galay Ergayga u qaabilsan Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madiera

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media