Howlgal Xoolaha lagu aruurinayo oo si xoog leh uga socda Muqdisho

Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgal xoolaha gaar ahaan Lo’da looga uruurinayo, kaasi oo ay wadaan Ciidanka ilaalinta deegaanka dowladda hoose ee Xamar.

Qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka  Degmada Waaberi uu uu wadooyinka degmadaasi kasoo aruuriyay 129-Neef oo Lo’ ah, kuwaas oo caqabad ku ahaa bilicda Caasimadda.

“Iyadoo la fulinaayo amarkii Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxa uu wadooyinka degmadaasi mara kasoo aruuriyay 129-Neef oo Lo’ ah kuwaas oo caqabad ku ahaa bilicda iyo horumarinta Caasimadda” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay Gobolka Banaadir.

Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi ayaa kamid ah goobta laga soo aruuriyay Lo’da ugu badan ee lagu wareejiyay xarunta Baadi-Qabadka.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Howlgal ay fuliyeen Ciidanka ilaalinta deegaanka dowlada hoose ee Xamar lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 40 Lo’ kuwaas oo dhex-socday wadooyinka waaweyn ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media