Ciidamada Dowladda gaar ahaan Ciidanka Gaarka ah ee NISA iyo kuwa Booliska ee Haramcad ayaa howgallo waxaa ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ahaa mid qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska Haramcad kaas oo sida la sheegay ujeedkiisu ahaa xaqiijinta ammaanka waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko.
Saraakiisha Ciidanka horkacaysa ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad iyo xarumo kale.
Intii howlgalku uu socday sidoo kale ciidamadu waxay sheegeen inay xireen wadooyin Al-Shabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan.