Howlgal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Sh/Dhexe

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoosta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku bur buriyeen fariimo Al-shabaab ay ku lahaayeen.

Deegaanada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen waxaa ka mid ah God Doonfaar, Xaluushin, Diidow, Buulo Dhagaxow, Bulo Macalin, Duurey iyo Banyaale oo ka wada tirsan Degmada Balcad.

Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali, oo hogaaminayay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ciidamada ay bur buriyeen xarumo badan oo isugu jira goob ay ku ay Al-Shabaab ku qaadi jirtay lacago iyo goob maxkamad b u ahayd, waa sida  yiri.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa ay sidoo kale ciidamada gacanta ay ku dhigeen tiro sida la sheegay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanada howlgalka laga sameeyay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaano hoostega degmada Balcad ayaa waxaa ka dhacay weeraro iyo dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, kuwaasi intooda badan ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor