Howlgal lagu qabtay Boqolaal ruux oo laga fuliyay Kismaayo

Ciidanka amniga Maamulka Jubbaland ayaa xaafadaha guud ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyay howlgalo Culus oo lagu xaqiijiyay amniga Magaalada.

Howlgalka Ciidanka amniga ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qab qabtay boqolaal ruux oo isugu jiray Ganacsato iyo qeybaha kala duwan, kuwaasi oo u badnaa dhalinyaro, loogana shakiyay falal amni  darro.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka laga sameeyay Kismaayo ayaa sheegay in 500 oo qof lagu qabtay howlgalka, isla markaana dadkaas qaarkood lasii daayay, kadib markii  baaritaano lagu sameeyay, halka kuwo kalena lagu xiray Saldhiga Booliska.

Gaashaanle Warsame Axmed Geelle oo kamid Saraakiisha Ciidanka amniga Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga Caasimadda Maamulka, ayna sii wadi doonaan.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu shacabka Jubbaland ugu baaqay inay la shaqeyaan laamaha amniga, si looga hortego falal amni darro ah ee xiliyada qaarkood ka dhaca gudaha  Kismaayo iyo deegaanada kale ee Maamulka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay  qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana qaraxaas lagu dilay Gudoomiyihii rugta Ganacsiga Jubbaland iyo dad kale oo shacab ah, Al-shabaabna ayaa sheegatay Mas’uuliyadiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media