Howlgal lagu furayo waddooyin ay xireen Al-shaabab oo lagu dhawaaqay

Abaanduulaha guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo Col. Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Luuq ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Milateriga dowladda, Booliska iyo kuwa Nabadsugida degmadaas.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Abaanduulaha uu Warbixino la xiriira dhinaca amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay.

Gashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa Saraakiisha amniga Luuq u sheegay in muhiim ay tahay in la dardar-geliyo amniga degmada, isagoona uga mahadceliyay howlgalada lagu sugayo nabadgalyada ee halkaas ka socda.

Abaanduulaha guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka dowladda Federaalka ayaa shacabka degmada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo amni darro wada.

Ugu dambeyn Abaanduule Gashaanle Dhexe Qorax iyo Saraakiisha uu kulan la qaatay ayaa isla gartay in la bilaabo howlgal guud oo laga sameeynayo Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, isla markaana lagu furayo waddooyinka ay Gobolkaas ka go’doomiyeen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor