Howlgal lagu beegsaday Xaruumo waa weyn oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Hawlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah saaka ka fuliyeen xarun Al-Shabaab  ku leeyihiin deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Hawlgalka lagu  beegsaday Garaash wayn oo Al-Shabaab u ahaa sida la sheegay goob ay ku diyaariyaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Al-Shabaab ku rakibeen Qaraxyo.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Goobtaas khasaare ay ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay timaantay u badan  kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply