Howlgal Isbaaro qaadis ah oo laga fuliyay deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 27aad oo howlo shaqo u joogta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku guuleysatay in dhamaan la qaado jid gooyooyin ay dhigan jireen maleeshiyaad hubeysan deegaanno ka tirsan gobolka.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin hal jid gooyo oo taala deegaannada gobolka.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed in ciidamada xoogga dalka ay ku amreen inay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha qowleysatada ah ee dooneysa inay dhibaateeyaan shacabka.

“Maleehiyaadka jid gooyooyinka dhigan jiray deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe waa laga cirib tiray, hadda ciidamada qalabka sida waxa ay amar ku qabaan inay ula dagaalamaan sidii ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo kale” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed.

Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeella dhexe ayaa waxaa yaallay jid gooyooyin badan oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan looga qaado lacago xad-dhaaf ah oo aysan awoodin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media