Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay Xaafadaha Buulo-xuubey iyo Suuqaweyn,isla markaana waxaa ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in howlgalka dadkii lagu soo qabtay Ciidamada isugu geeyeen goob barxad ah,iyagoona weeydiinayay Su’aallo la xiriira ka dhanka amniga.

Sidoo kale Ciidamada ayaa fasaxay inta badan dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay,halka qaarkood la sheegay inay horey u wateen,In kastoo laamaha amniga dowladda weli wax faah-faahin ah ka bixin.

Howlgalka xalay ka sameeyay qeybo kamid ah Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,ayaa yimid kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay qarax lagu soo xiray nooca raaxada ah,waxaana Saraakiisha amniga ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay aniga Caasimadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media