Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen xaafado gaar ah ka tirsan degmada Hoden,isla markaana ku baarayay guryo ku yaalla xaafadaha howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ku qabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo ay weeydiinayen Su’aalo dhowr ah,waxana la sheegay in qaar kamid ah dhalinyarada la siidaayay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijiyo amniga degmooyinka Gobolkaan Banaadir oo mararka qaar ay ka dhacaan dilal.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya xili xalay askari ka tirsan  Ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan  ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media