Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay Magaalada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen howlgalo qorsheysan.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ka sameeyeen Xaafaddo ka tirsan Baladweyne,isla markaana waxa ay ku soo qab qabteen 10 ruux oo dhaliyaro u badan.

Dadkii lagu soo howlgalkii  xalay laga sameeyay Baladweyne ayaa waxaa la sheegay in la dhigay Xabsiga dhexe ee Magaalada,iyadoo baaritaano ay ku wadan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku Baladweyne.

Ujeedka Howlgalkaasi ayaa ahaa mid ammaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu xaiijinayay,halkaasi oo mararka qaar ay ka dhacan  falal amniga lid ku ah.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media