Howlgal culus oo ka socda Magalada Boosaaso

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay howlgallo culus ka wadaan Xaafado ka tirsan Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,halkaas oo mararka qaar ka dhacaan falal amnidarro.

Howlgalka ayaa sida la sheegay waxaa hoggaaminaya taliyaha ciidanka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse oo shalay gaaray halkaas,waxaana laga sameynayaa inta badan Xaafada Magalada Boosaaao.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalka uu amray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii dilal qorsheysan ay ka dhaceen Magalada Boosaaso.

Saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysa weli wax faah faahin ah kama bixin,hayeeshee dad ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro oo ku sugan Xaafadaha Magaladaas.

Boosaaso aya dhawaan waxaa lagu dilay Madaxii mashruuca  shirkadda DP World u qaabilsanaa dekada Boosaaso,waxaana horay uga dhacay dilal kale oo loo geystay Ciidamo iyo dad kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media