Howlgal ka dhan ah Al-shabaab looga dhawaaqay Galmudug

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Galnudug Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay ka hadlay amniga deegaanada Galmudug iyo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo dhawaan ay bilaabi doonaan.

Isaga oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug ay taallo shaqo oo ku aadan dhanka amniga oo loo baahan yahay si adeg loo qabto.

Waxaa uu sheegay in deegaano dhowr oo ka tirsan Galmudug ay heystaan Al-shabaab, isla markaana shacabka halkaas ku dhaqan ay uga timaado qeylo dhan la xiriirta dhibaatooyin kala duwan ayna ka jawaabi doonaan.

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Galmudug qeybahooda kala duwan iyo kuwa Dowladda Federaalka ay dhawaan bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-shabaaab oo looga saaayo deegaanada ay ka joogaan halkaas.

Ugu dambeyn Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shacabka iyo mas’uuliyionta kala duwan ee maamulkaas ugu baaqay inay la shaqeeyan wasaaradiisa, maadama ay shaqo adeg u taallo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media