Hoggaanka Gobolada SSC oo ka hadlay xaaladda Laascaanood & Xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland

Hoggaanka Isimada Gobolada SSC ayaa soo dhaweeyay xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland, iyagoona sheegay in weli ciidanka maamulka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in haddii ay dhab ka tahay xabbad joojinta ay Somaliland ku dhawaaqdeen inay ciidankooda ka saaraan magaalada, isla markaana ay joojiyaan rasaasta.

Sidoo kale Isimadda ayaa sheegay in ay wakiilada caalamiga ah ay u sheegayaan in dhexdhexaadintooda ay guddi xaqiiqo raadin ah u soo diraan magaalada Laascaanod, kaas oo ay damaanad-qaadayaan amnigooda Isimadda dhaqanka.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay madaafiic Somaliland ku garaacday qeybo kamid ah Laascaanood. Dagaalka u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa galay maalintii 6-aad oo xiriir ah.

Xaaladda guud ee Laascaanood ee  Xarunta Gobolka Sool ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor