Hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee Al-Shabaab oo Muqdisho ku soo laabtay,kadib markii uu soo gutay Cumrada

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar ka mid noqday hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse markii dambe isku-soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta magalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Muqtaar Roobow ayaa ku maqnaa dalka dibadiisa,isaga oo soo gudanayay cumrada ,waxa uuna ka mid ahaa Kumanaanka Muslimiinta ah ee Sanadkaan Cumrada aaday.

Muqtaar Roobow ayaa tan iyo markii uu shaaciyey in uu ka baxay Al-Shabaab kuna soo biiray dowlada Soomaaliya waxa uu tegay deegaano badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool,waxana sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka Bakool uu dagaal culus kula galay Al-Shabaab.

Dhowr mar uu Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Eedeyn u jeediyey Saxiibadiisii hore ee Al-Shabaab,isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay inuu la-dagaalamayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor