Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Kabtan Jeff Davis ayaa sheegay in Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabi jirey Yaasir Al-silmi in lagu dilay duqeyn bishan 2-dii ka dhacday dalka Yemen.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay xaqiijin karaan dilka Yaasir Al-silmi, kaasi oo Xabsiga Guwatanamo ku xirnaan jirey sannadihii 2002-dii ilaa 2009-kii.
Waxa kale oo uu sheegay in Ninkaasi oo loo yaqaanay Maxamed Tahar laga sii daayey Xabsiga Guwatanamo sannadkii 2009-kii, laguna soo celiyey dalka Yemen.
©Radio Dalsan