Saraakiil ka tirsan Kooxdaasi ayaa maanta xaqiijiyey in duqeyn lagu dilay Hoggaamiyahaasi oo la oran jirey Mullah C/salaam Akhund, oo Taliye u ahaa Maleeshiyadda Daalibaan ee ku sugan Goblka Kunduz ee Waqooyiga Afganistan.
Diyaarad Drones ah ayaa la sheegay inay Hoggaamiyahaasi iyo 3 Dagaalyahan oo la socotay ku dishay duqeyn bilowgii isbuucan.
Sarkaal ka tirsan Daaliban ayaa sheegay in Taliyahaasi uu dhowr maalmood galy Safar dhulka, waxana la duqeeyey xilli uu ku hakaday guri ku yaalla Degmadd Dashte Arji.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayaa so osray qoraal uu ku xaqiijiyey geerida Mullah C/salaam Akhund,
Afhayeen u hadlay Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay duqeyn ka geystay Kunduz maalintii Axadda ee la soo dhaafay, wuxuuse ka gaabsaday Natiijadda ka dhalatay duqeyntaasi.
Taliye ka tirsan Boliska Afganistan oo lagu magacaabo Sher Casiis Kamawal ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay Mullah C/salaam Akhund iyo 8 dagaalyahan oo la socotay.
©Radio Dalsan