Hoggaamiyayaasha Sudan iyo Kenya oo ka wada hadlay Deganaanshaha Somalia.  

Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum kula kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo booqasho 2 cisho ku jooga dalkaasi.

Labada Madaxweyne oo Kulan Khaas ah yeeshay ayaa waxay si gaar ah uga hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Xaalladda Ammaanka Gobalka, gaar ahaan Dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir iyo Uhuru Kenyatta waxay isla garteen in loo baahan yahay in wax badan laga qabto Xaalladda dalka Somalia, isla markaana laga shaqeeyo Deganaanshaha Somalia.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo ka hadleen Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Sudan iyo Kenya, waxayna hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay sidii Deganaansho loogu heli lahaa dalka Somalia.

Dhinaca kale, Labada Madaxweyne waxay ka wada xaajoodeen Doorashadda Hoggaanka Cusub ee Ururka Midowga Afrika, wuxuuna Madaxweynaha Sudan ballan qaaday inuu taageerayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed sidii ay u hoggaamin lahayd Ururka AU-da.

©Radio Dalsan

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor