Hoggaamiyaha mucaaradka Bolivia oo sheegtay Madaxweyne-nimo

Senator Jeanine Áñez oo hogaamisa xubnaha mucaaradka dalka Bolivia ayaa ku dhawaaqday in ay tahay Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi kadib iscasilaadii madaxwayne Evo Morales.

Sharci dajiyaasha katirsan xisbiga Madaxwaynaha talada ka dagay ayaa qaadacay kulanka Baarlamaanka taas oo ka dhigan in aysan heleenin kooram lagu magacaabo.

Balse Ms Anez ayaa sheegtay in dastuurka uu xaq u siinaayo in ay noqoto hogaamiyaha xiga ee dalka, iyadoona balan qaaday in todobaadka soo aadan ay qaban doonto doorasho.

Mr Morales ayaa cambaareeyey sheegashada Madaxwayninimo ee Ms Anez isagoona arintaasi.

Madaxwaynihii hore ee dalka Bolivia ayaa u baxsaday dalka Mexico, halkaasi uu ka helay magangalyo siyaasadeed kadib markii uu sheegay in noloshiisa ay Qatar ku jirto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media