Hoggaamiyaha Jesiiradda Hong Kong ee hoos tagta Maamulka Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inuu dhintay Mooshinkii ay Barlamaanka Hong Kong ugu codeeyeen in Shiinaha loo masaafurin karo dadka si loogu maxkamadeeyo.
Hoggaamiyaha Hong Kong, haweeneyda lagu magacaabo Carrie Lam waxay shalay Barlamaanka ka sheegtay inqorshihii uu Maamulkeeda ku oggolaan lahaayeen in dadka loo gudbiyo Shiinaha uu meesha ka baxay oo uu qorshahaasi yahay mid dhintay.
Hadalkeeda ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dibadbaxyo ballaaran ka dhaceen Jesiiradda oo looga soo hor jeedo Go’aankaasi.
Hoggaamiyaha Jesiiradda Hong Kong waxay kaloo sheegtay inuu gebi ahaan fashilmay go’aankaasi
Bartamihii bishii June, Carrie Lam waxay Dibadbaxayaasha u sheegtay in la joojiyey Go’aankaasi, balse, Dibadbaxayaasha waxay sii wadeen Dibadbaxyadooda rabshadaha lahaa, iyagoo gudaha u galay Xaruntii Barlamaanka.
Dibadbaxayaasha waxay kaloo ku baaqeen inay is-casisho Carrie Lam oo ah Hoggaamiyaha Hong Kong
Xiisadaasi ayaana ah tii ugu weynayd ee soo wajahday Xukunka Shiinaha ee Jesiiradda Hong Kong oo Maamulista Jesiiradaasi dib loogu gacan geliyey sannadkii 1997-dii.
Si kastaba ha ahaatee, Jesiiradda Hong Kong oo horey gacanta ugu jirtay Britain ayaa waxay qeyb ka yihiin Shiinaha, inkastoo ay Labo Nidaam ku kala dhaqmaan oo kala duwan.