Hoggaamiyaha Aqlabiyadda ee Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo Hoggaamiyaha kale ee xubnaha laga tirada yar ee Barlamaanka, John Mbadi waxay shalay gudbiyeen Mooshin ku adaan Muranka Xuduud-baddeedka ee ay Kenya ku sheeganayo qeybo ka mid ah Badda Somalia.
Moosshinkaasi ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Kenya ka doonayso Barlamaanka inay ansixiyaan Mooshin horseedi karta in Ciiddamo loo diro xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, si ay u ilaaliyaan danaha dalkooda.
Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Kenya oo la hadlay Idaacadda Capital FM ee magaalladda Nairobi waxa uu sheegay inuu Aadan Barre Ducaale uu Barlamaanka ku matalo Danaha Xisbiga haya Talada dalka iyo Xukuumadda nafsad ahaanteeda.
Xildhibaankaasi waxa uu tilmaamay inay Mooshinka uu Aadan Barre soo gudbiyey loo arko Mooshin ku salaysan Ajendaha Xukuumadda Kenya, isla markaana ay iska cadahay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka doonayo Barlamaanka inay u ansxiyaan si Ciiddamo loo geeyo Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.
Mooshinka haatan hor yaalla Barlamaanka Kenya ayaa u muuqda mid lagu doonayo in looga hor tago Kulanka ay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ ka yeelan doonto Kiiska Dacwadda ee la xiriira Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso, kaasi oo ku cabir masaafo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.
Xeer-beegtida Maxkamadda ICJ waxay dhegeysiga Garnaqsiga Dacwadaasi bilaabi doonta bisha soo socota ee September 9-da.