Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa inay Madaxda Madasha iyo Ergadda Beesha Calaamka Kulan Farsamo ku yeeshaan Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Kulankaasi ayaa lagu lafa-guri doonaa caqabadaha ka taagan Codsiga Maamulka Puntland ku doonayaan in tiro dheeraad ah laga siiyo Saamiga ay Beelaha Waqooyi ka heleen xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Hoggaanka Puntland ayaa ku adkeysanayo in 2 xubnood oo dheeraad ah laga siiyo xubnaha Belaha Waqooyi ee Aqalka Sare, iyadoo uu Maamulka Puntland horey 11-xubnood uga heleen Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Eng. C/xakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar “Cameey” oo isbuucii hore ka qeyb galay Shirkii Madaxda Wada-tashiga ayaa ku adkeystay in Saamiga Aqalka Sare ee Beelaha Waqooyi laga siiyo 2-xubnood dadka ku nool Goballadda Sool iyo Sanaag.
Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland wey ku kala qeybsan yihiin Aragtidaasi, inkastoo Khilaafkaasi uu hakad ku keeneen Cod-bixintii Musharixiinta Beelaha Waqooyi ku soo doraan lahaayeen Xildhibaanadda uga mid noqon doono Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
War-murtiyeedkii ay Madaxda Wada-tashiga Qaranka soo saareen bishan December 9-kii ayaa lagu xusay in Kulan kale laga yeesho arrintaasi, mana jiraan ifafaalo muujinaya inay Maamulka Puntland ka laabteen go’aankooda ku aadan xubnaha sed-bursiga ee ay doonayaan in laga jaro saamiga Beelaha Waqooyi ka heleen Aqalka Hoose.
Waa hubaal inay adkaan doonto in maanta xal kama-dambays ah laga gaaro arrintaasi, iyadoo Maamulka Puntland ku adag tahay inay ka tanaasulaan Codsigooda u muuqda Ku-qabso Ku-qadi maysid oo kale.
Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Aqoonyahanadda Beelaha Waqooyi waxay khilaaf la’aan u qeybsadeen Saamiga ku soo aaday, inkastoo ay ganuunac-siyaasadeed ka muujiyeen saamiga la siiyey oo aad ugu yar.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda tirada Hoggaamiyayaasha Madasha ee ka qeyb geli doonta Shirka maanta, iyadoo la og yahay inay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland isbuucii hore ka baaqsadeen Shirka Madaxda Madasha ku yeesheen Muqdisho.
©Radio Dalsan