Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda oo la dilay

Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu  dilay dalka koonfur Afrika, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahinno kala duwan, qaabka uu dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Hoggaamiyaha ayaa lagu dilay magaalada Cape Town, waxaan in muddo ah uu dalkaasi ku joogay Musaafuris, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo  Rwanda National Congress (RNC).

Qaabka uu dhacay dilka Seif yaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana lagu soo warramayaa in hal xabbad lagu dhuftay xili uu dhex-fadhiyay gaarigiisa, Waxaa laga qaatay taleefankiisa gacanta iyo boorsada jaabka ee lacagta lagu qaato.

Wali booliska dalkaasi wax war ah kama soo saarin dilka hoggaamiyaha, waxaana ay sheegeen in ay baaritaan ku wadaan, ayna dib kasoo sheegi doonaan natiijayada kasoo baxda baaritaankooda.

Dowladda Dalka Rwanda ayaa waxaa la sheegaa in ay inta badan beegsato xubnaha Mucaaradka ah eek u sugan dadlalka ka baxsan Dalkeeda, waxaana dilka Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki loo badaniyaa in ay ku lug-leedahay.

Comments
Loading...