Hogaamiyeyaasha Afgembiga kula wareegay Burkina Faso oo taageerayaashooda baaq u diray

Horggaamiyaha horkacayeyy inqilaabka militari ee ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa shacabka ka codsaday in ay joojiyaan dibbadbaxyada ay ka hordigayaan safaraadda Faransiiska .

Gelinkii hore ee shalay ayaa ciidamada Ammaanka waxay qiiqa dadka kaga ilmeysiiya u adeegsadeen dad ku bannaanbaxayey duleedka safaaradda Faransiiska .

Dadkan dhigayey dibadbaxyada ayaa ah taageeyaraasha Captain Ibrahim Traore oo maalinimadii Jimcaha ku dhaawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee dalkaa , kaddib inqilaabkii labaad ee dalkaas ka dhacay sanadkan gudihiisa

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor