Hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo kulan Degdeg ah lagu Casuumay

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu Hoggaamiyayaashaasi ka codsadeen inay ka soo wada qeyb galaan Shir Degdeg ah oo bishan May 30-da lagu qaban doono magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukaram.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Kulankaasi looga wada xaajoon doono Xaalladda Ammaanka Gobalka, weerarkii lagu waxyeelleeyey Maraakiib maraysay Xeebaha dalka Imaaraadka iyo weerarkii ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta u geysteen Saldhigyaadda dhuumaha Shidaalka ee Sacuudiga.

Shirkaasi waxaa kaloo lagu lafa-guri doonaa Khatarta Dagaalka ay Maraykanka iyo Iiraan isugu bir tumanayaan.

Dhinaca kale, magaalladda Maka Almukarama waxaa bishan May 30-da Kulan heer sare ah ku yeelan doona Hoggaamiyayaasha dalalka Islaamka ee Isbahaysiga Iskaashiga Islaamka ee OIC.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media