HomeCaalamkaHogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan oo fagaaro ka soo muuqanayo

Hogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan oo fagaaro ka soo muuqanayo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ilo wareedyoTaalibaan ah ayaa u sheegay laanta Pashto ee BBC -da in hoggaamiyahooda ugu sarreeya, Mullah Hibtollah Akhundzada, uu ku sugan yahay Qandahar oo uu dhowaan ka soo muuqan doono goob fagaare ah. Mullah Hibtollah waa caalim diimeed ka soo jeeda Qandahar, waxa uu sannadkii 2016 -kii madax u noqday Talibanka Afghanistan. Waxaa la rumeysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo wareedyoTaalibaan ah ayaa u sheegay laanta Pashto ee BBC -da in hoggaamiyahooda ugu sarreeya, Mullah Hibtollah Akhundzada, uu ku sugan yahay Qandahar oo uu dhowaan ka soo muuqan doono goob fagaare ah.

Mullah Hibtollah waa caalim diimeed ka soo jeeda Qandahar, waxa uu sannadkii 2016 -kii madax u noqday Talibanka Afghanistan.

- Advertisement -

Waxaa la rumeysan yahay inuu bedelay jihadii Taalibaan oo uu u horseeday xaaladda ay hadda ku sugan tahay.

Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Islaamiga ahaa ee ka soo horjeestay ciidamadii Ruushka ee Afqaanistaan ​​sanadihii 1980-maadki, hase yeeshee marka la eego sawirkiisa guud wuxuu u muuqdaa hoggaamiye diimeed marka loo eego taliye milateri.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa sidoo kale ka soo laabtay Kabul kuna soo noqday Kandahar.

- Advertisement -

Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ka mid ah afarta nin ee aasaasay Daalibaan sannaka markuu ahaa 1994 -kii.

Dhowr hoggaamiye oo Taalibaan ka tirsan, oo uu ku jiro Mullah Baradar, oo dibad joog ahaa tan iyo markii Taliban ay qabsatay Kabul 15 -kii Ogosto, ayaa dib ugu laabtay Afghanistan.

Dhanka kale, afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in wadahadalo ay ka socdaan Afgaanistaan ​​si loo soo dhiso dowlad cusub, dhawaanna lagu dhawaaqi doono.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts