HomeWararHirshabeelle oo sheegtay inay siyaasiyiin dabada ka riixayaan Dagaal Beeleedyada Sh/Dhexe

Hirshabeelle oo sheegtay inay siyaasiyiin dabada ka riixayaan Dagaal Beeleedyada Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Colaada kasoo cusboonaatay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada-daga. Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dadaalo nabadeed oo lagu joojinayo colaada ka wadeen Cadale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Colaada kasoo cusboonaatay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada-daga.

Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dadaalo nabadeed oo lagu joojinayo colaada ka wadeen Cadale iyo Raaga-ceelle, ayna la kulmeen Odayaasha dhinacyadii dagaalamay.

- Advertisement -

Wasiir Cabdi Guure ayaa xusay inay kala hadleen dhinacyada beelaha diriray joojinta Colaada, isla markaana ay ugu baaqeen inay nabada qaatan oo joojiyaan dagaalka dhiiga ku daatay, isagoona tilmaamay colaada ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanada.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa hurinta dagaal beeleedyada kusoo lab-laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ku eedeeyay siyaasiyiin, oo uu sheegay inay dano gaar ah ka leeyihiin dagaalada.

Wasiirka Dib u heshiisiinta Hirshabelle Cabdullaahi Cadde ayaa isna waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo Dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, waxaana uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay ciidamo kala dhex dhigto beelaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts