Hirshabeelle oo Maareeye Cusub u Magacaawday Garoonka diyaaradaha Baladweyne

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Xuseen (Geelsuge) ayaa magacaabay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Axmed Diiriye (Dhala-Dheere) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Cusub  ee Garoonka diyaaradaha Baladweyne ee Ugaas Khaliif, isagoona bedelaya maareeyihii hore ee Garoonka.

Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ah ayaa waxaa Maareeye Axmed Diiriye lagu faray inuu u guto waajibkiisa shaqo si hufnaan leh .

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabis ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media