HomeWararHirshabeelle oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay duleedka Balcad

Hirshabeelle oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay duleedka Balcad

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo shalay ka dhacay deegaano hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen deegaanada Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir kheyre in deegaanada la weeraray ay Al-shabaab muhiim u ahaayeen, isla markaana la burburiyay goob ay halkaas ku lahaayeen, sidoo kalena weerarka lagu gaarsiiyay shabaab khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka amniga Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarkii shalay la qaaday uu ka duwan yahay kuwo horey loo qaadi jiray, uuna ku yimid Codsi Hirshabeelle ay dirtay, kadib markii inta u dhexeeysa Jowhar iyo Balcad oo ay ka dhaceen weeraro, isagoona carabka ku dhuftay in halkaas ay noqon doonto mid nabad ah.

Dagaalkii ka dhacay deegaanada Basro iyo Daniga ee hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar badan weeraro isugu jiray mid toos ahaa iyo qaraxyo ka fulisay wadada xiriirisa Magaalada  Jowhar iyo Balcad, waxaana halkaas lagu dilay Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsanaa Hirshabeelle, sidoo kalena waxaa halkas lagu dilay Ciidamo badan oo kamid ah AMISOM.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories