Hey’adda UNHCR iyo maamulka Somaliland oo diyarinaya goobo lagu hayo Qaxootiga dalka Yaman kasoo cararay

Saraakiil ka tirsan hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo maamulka Soomaaliland, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay qorsheynayaan halkii la dejin lahaa qaxootiga soomaalida ee kasoo cararay dalka ay ragaadiyeen dagaala ee Yaman.

Saraakiiha oo booqasho ku tegay gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa lasheegay in ujeedka ay halkaasi ugaareen ay tahay sidii loo eegi lahaa halka ku haboon ee loo deegaameeyn karo qaxootiga.

Maamulka Somaliland iyo qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa waxaa ay dhawaan warbixin ay soo wada saareen ay ku shegeen in ay jiraan dad soo magansanaya dekedda Berbera, kuwaasoo ka yimid dalka Yaman.

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland, Cali Saciid  oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta gaaray  Berbera ayaa shegay in dowlada Soamaliland ay udiyaarisa qorshayaal lagu dejinayo qaxootiga.

Halkaan kasoo wada baxay hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili madaxweynaha soomaaliya uu shegay in ay wadaan qorshe lagu soo daad gureynayo soomaalida ku nool dalka Yaman.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor